Mid kamid ah raggii shalay dhac u geystay Carwo KAAH oo gacanta lagu dhigay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa goordhow warbaahinta usoo bandhigay rag ku eedeysan in ay dhac ka geesteen goobo ganacsi iyo xaafado ku yaala Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodisho ayaa warbaahinta u sheegay in ay soo qabteen mid kamid ah ragii shalay dhaca ka geestay goob ganacsi oo ku taala Laami yaraha Soobe, kuwaasoo ka koobnaa laba rag ah oo ku hubeysan Bastoolad.

Sidoo kale Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in la soo qabtay laba nin oo kale oo dhac ka geysanayay xaafadda Al-baraka ee Muqdisho iyo kooxo kale oo iyagana ku howlanaa dhaca dadweynaha.

Shalay ayaa waxaa ku faafay baraha bulshada muuqaal laba nin oo baastoolado ku hubeysan kuwaasi oo dhac u geysanaya dukaan qalabka electronicska lagu iibiyo.