Mid kamid ah saddex go’aan oo la filayo in Maxkamadda Sare ee Kenya ay ku dhawaaqdo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, oo looga guulaystay doorashadii madaxtnimada ee dhacday dhawaan, ayaa sheegay in natiijada ay tahay “mid waxba kama jiraan ah”, taasoo ka dhigan in uu maxkamad la tiigsan doono. Balse maxaa laga filan karaa maxkamadda sare?

Waqti dheer ma haystaan isbahaysiga Azimio ee uu kasoo jeedo Odinga. Shan maalmood oo keliya ayaa u hartay si ay cabashooda ugu gudbiyaan maxkamadda ugu sarraysa Kenya ee dastuuriga ah, si dib u eegis loogu sameeyo hannaankii doorashada.

Toddobo maalmood ayuu heystaa murashaxa dood ka qaba natiijada si uu amxkamadda ugu dacwoodo, Odinga ayaana hadda haysta shan maalmood.

Odinga ayaa hadda eegaya waddooyinka sharci ee u furan si uu meesha uga saaro natiijada uu isniintii ku dhawaaqay guddoomiyaha Guddiga doorashada iyo xuduudaha Kenya ee IEBC.

Dastuurka Kenya oo la meel mariyay 2010-kii ayaa dhigaya in la abuuro maxkamad Sare oo ay fariistaan toddobo garsoore, kuwaasoo waajibaadkoodu ay yihiin in ay xalliyaan muranka ka dhasha doorashada madaxtinimada.

Marka ay kooxda sharciga ee Odinga gudbiyaan dacwada, sida la filayo, waxay maxkamaddu guda geli doontaa dhagsiga dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh kiiska.

Muddo 14 maalmood ah inta aysan dhammaan ka hor waxaa garsoorka laga rabaa in ay go’aan kama dambays ah soo saaraan.

Waxay arrintu noqon kartaa:

  • In maxkamaddu ay caddeymo u hesho wax isdabamarin lagu sameeyay doorashada islamarkaana amar ku bixiso in la aado doorasho kale

Haddii ay sidaas noqoto waxaa sharci noqonaysa in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorashada. Balse shacabka ayaa u codayn doona murashaxiinta xilka madaxweynaha oo keliya.

2. In maxkamaddu ay cambaarayso guddiga doorashada balse ay caddeymo ku filan u wayso in codeynta lagu celiyo.

Taas waxay ka dhigan tahay in natiijada ay sideeda ahaan doonto madaxweynaha ay guddiga doorashada ku dhawaaqeenna xilka loo dhaarin doono.

3. In maxkamaddu ay si buuxda u taageerto natiijadii lagu dhawaaqay, amarna ku bixiso in madaxweynaha cusub uu yahay William Ruto.

Go’aankaasina waxa uu meesha ka saari doonaa sheegashada Raila Odinga ee ahayd in doorashada lagu shubtay.

Hase yeeshee, saddexdaas go’aan ka hor waxa ay garsoorku u baahnaan doonaan in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada, sida in codadka dib loo tiriyo.