Mid kamid ah Wasiirada Hir-Shabeelle oo “hal sabab” darteed xilkii looga qaaday.

JOWHAR-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)  ayaa xilkii ka qaaday Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Maxamed Cilmi.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe ayaan lagu shaacisan sababaha keenay xilka qaadista, iyada oo aysan jirin mas’uul kale oo Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu u Magacaabay xilkaas.

Xilka qaadista uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe)  uu ku sameeyay Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga ayaa kusoo aaday xilli shalay Baraha Bulshada lagu faafinayay qoraalka Haweeneey sheegtay in lacah dhan 1,500$ uu ugu cunay in Visa Turki ah u soo saarayo.

Wasiir ku Xigeenkii Wasaarada Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Maxamed Cilmi. Ee xilka qaadista lagu sameeyay ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin xilka qaadistaas iyo qoraalada la wareejinayo Baraha Bulshada.