Midkee awood badan Ciidamada badda ee Soomaaliya iyo Kenya?

Kenya oo ciidankeeda badda ay si buuxda u howlgalaan ayaa markii horeba galaangal ku lahayd amniga aagga la isku hayo, sida uu sheegay Collins Wanderi, oo ah sarkaal howlgab ah, oo uu soo xigtay isla wargeyska.

“Tan iyo 1979-kii xadka lagu muransan yahay waxaa gacan ku heyntiisa mas’uul ka ahaa ciidanka badda ee Kenya, iyaga ayaana si buuxda u sugayay amniga, sidoo kalena hagayay gaadiidka badda,” ayuu yiri kabtan Wanderi.

Waxa uu intaas ku daray in ciidanka Kenya aysan halkaas ka tagi karin maadaama laga hortagayo in burcad badeedda ay saameyn ballaaran ku yeeshaan aaggaas ayna carqaladeeyaan habsami u socodka ganacsiga soo mara badda.

Dhawaan Kenya waxay saldhig militari oo qalabkiisu u dhammeystiran yahay ka sameysay badda, iyadoo ka falcelineysa xaaladda muranka badda ee taagneyd.

Soomaaliya ma laha awood ay tallaabo noocaas ah ku qaaddo balse waxay leedahay saaxiibbo.

Turkiga oo saldhig militari ku leh caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka mid ah waddamada awoodda leh ee xiriirka dhow la wadaaga dowladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo.

Horay waxa uu Turkigu ciidamo kuwa cirka ah ugu tababaray Soomaaliya, halka ciidanka militarigana uu dhismahooda kaalin ka qaatay.

Ankara ayaa horay ficil militari ugu muujisay taageerada dalalka ay xulafada la tahay, sida dowladda Liibiya oo dagaal kula jirtay xoogagga fallaagada ah ee la sheego inay garabka ka heysteen Ruushka.

Shabakadda ka faalloota awoodaha militari ee caalamka, Global FirePower ayaa billowgii sanadkan soo saartay xogta ku saabsan cududda dalalka, waxaana ka mid ahaa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaan eegeynaa isbarbardhigga awoodda ciidamada badda ee Kenya iyo Soomaaliya, sida ay xustay shabakaddaas.

Awoodda Ciidamada Badda – Kenya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Kenya waxaa lagu sheegay 19.

7 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Kenya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya.

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Tirada ciidanka badda ee Soomaaliya waa mid kooban. Warbaahinta dowladda ayaa maalmo ka hor soo bandhigtay askar ku labisan direyska ciidamada badda ee Soomaaliya, oo qaarkood ay dhoollatus ku sameynayeen biyaha iyagoo wata doomo.

Balse si rasmi ah looma shaacinin inta ay la egtahay tiradooda lamana cayimin qalabka ay heystaan.

Sida ay shaacisay shabakadda Global FirePower, Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

BBC