Midowga Afrika oo ku dhawaaqay qorshe halis ku ah Madaxweyne Farmaajo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Nabadda iyo Amniga midowga Afrika ayaa ku celiyay in ay ka go’an tahay in la dhiso hawlgalka xasilinta dhinacyada badan ee AU-UN ee Soomaaliya, kaasoo lagu beddelayo howlgalka hadda jira ee AMISOM.

War mutiyeed kasoo baxay golaha Nabadda iyo Amniga, ayaa lagu sheegay  in habkani yahay habka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo laguna heli karo maalgelin waara oo ka timaada Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee taageera Soomaaliya .

Balse, golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika wuxuu  qiray in hawl-gal kasta oo mustaqbalka ah oo lagu beddelayo AMISOM ay tahay in ay taageero iyo oggolaansho ka helaan Dowladda federalka Soomaaliya iyo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu yahay hab dhammaystiran oo wax looga qabanayo xaaladda amniga Soomaaliya, taageeridda hirgelinta arrimaha siyaasadda ee taagan, iyo wax ka qabashada colaadaha iyo dib u dhiska iyo nabadaynta Soomaaliya.

Golaha Nabadda iyo Amniga  midowga Afrika ayaa ka codsaday guddiga midowga Afrika inuu sii wado la-tashiyada Qaramada Midoobay ee diyaarinta Warbixinta Wadajirka ah ee maalgelinta howlgalkan, ku wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2023.

Si kastaba ha ahaatee, waajibaadka howlgalka AMISOM ayaa ku eg 31ka Diseembar 2021, waxaana golaha nabadda midowga Afrika uu ka codsaday golaha ammaanka Qaramada Midoobay in la gaaro heshiis.

Dowladda Soomaliya ayaa horey uga timid qorshahaan ka yimid midowga Afrika, iyadoo caddaysay in ay ka doorbidayso in howlgalka AMISOM lasoo gabagabeeyo, isla markaana ciiddamada qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegaan masuuliyadda amni ee dalka.