Midowga Afrika oo markii ugu horreysay war kasoo saaray tilaabadii lagu eryay Fransisco Madeira

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa qaadacay talaabadi ee Ra’isal wasaare Rooble ku eryey Amb Madeira.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inu Ka walaacsanyahay warqadaas uu Ra’isal wasaaraha so saaray isagoo dhinaca kale sheegay iney qiimeynayaan tixgalinayaa warqadi uu madaxweynaha so saaray ee dib u xaqiijineysay balanqaadkii la shaqeyntiisa Miidawga Afrika

“Gudoomiyaha waxu dib u xaqiijinayaa kalsoonida Iyo aaminada buuxa uu ku qabo Amb. Madeira si loogu so celiyo Soomaaliya xasilooni Iyo Amni waarna” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Midowga Afrika.