Midowga Misharaxiinta oo wada ‘qorshe halis ku ah jiritaanka’ Farmaajo iyo Rooble.

Midowga Musharaxiinta oo damacsan
Midowga Musharaxiinta oo damacsan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Misharaxiinta oo maalmihii la soo dhaafay qadka Zoomka ku yeesheen wadatashiyo looga hadlayay hubaal la’aanta ka jirta doorashada iyo dib u dhaca weyn ee ku yimid jadwalkii doorshada.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta ayaa doodahooda u badnaa in haddii illaa dhammaadka sanadkan saan saan doorasho dhicin in sanadka cusub 2022 in la dhiso Gole Qaran oo kumeel gaar ah (National Transitional Council) oo dalka gaarsiiya doorasho iyo dhismaha dowlad loo dhan yahay.

Inkastoo dooddan aanay weli isku raacin Musharaxiinta, shir weyn oo dhowaan dhacaya ayay ku balansan yihiin, waxaana dalka ay gelin kartaa xaalad cusub iyo weji hor leh, iyadoo la xusuusto dhaq dhaqaaqyadii iyo cadaadisyadii ay horay Muqdisho uga sameeyeen Musharaxiinta markii la dhisay Guddiyadii doorashada ee ku jiray Shaqaalaha dowladda iyo Nabadsugida.

Sidoo kale kacdoonkii hubeysnaa ee lagala hor-yimid muddo kordhinta labada sano ee Madaxweyne Farmaajo ee sababtay dhismaha Golaha Badbaado Qaran, taasoo meesha ka saartay hamigii Farmaajo ee muddo kororsigii.

Arrintaan ayaa cabsi horleh waxaa ay ku abuuri kartaa Farmaajo iyo Rooble oo la ogaaday in doorashada aan ka aheyn daacad, waxayna sababi kartaa inay dedejiyaan doorashada, hadii kale waxaa ku imaankaro qorshan cusub oo meesha ka saari kara xukunka Madaxda hada tallada haya.