Midowga Murashaxiinta iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo kulmay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo ay la socdeen xubno ka tirsan Guddigaas.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday dedejinta doorashooyinka dalka, ka mira dhalinta Jadwalka doorasho oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal, iyo xal u helida caqabadaha dhamaystirka doorashooyinka.

Midowga Murashaxiinta ayaa waxaa ay kulanka ka sheegeen inay ka go’an tahay in la dedejiyo doorashada dalka Soomaaliya, si dalka looga saaro firaaqa dastuuriga, loona helo hoggaan iyo hay’ado sharci ah.

Kulanka ayaa waxaa Midowga uga qeyb galay Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo shalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta faray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf inuu hirgalinta Jadwalka shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.