Midowga Murashaxiinta oo soo dhaweeyey guddigii xaqiiqo raadinta ee magacaabay R/W Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Murashaxiinta MW Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay guddiga xaqiiqo raadinta ee uu shalay magacaabay RW Rooble, kuwaas oo baari doona qeyla dhaanta waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda loo qaaday dalka Eritrea.

Midowga Murashaxiintu waxay RW Rooble ugu baaqeen in uu dib u magacaabo guddigaan islamarkaana lagu daro dad madaxbanaan oo ka socda Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada qaar, maadaama ay ku jiraan wasiirro ka tirsan dadka arrintaan ku eedeysan islamarkaana aysan noqon karin dad madaxbanaan.

Qoraalka midowga musharaxiinta ayaa lagu sheegay in dacwad qaran laga gudbiyo Madaxda hada tala haysa oo la sheegay in ayadoo Baarlamaanka Soomaaliya aan ogolaansho laga haysan ay ciidamo tababar loogu diray dalka dibadiisa.

Hoos ka akhriso.