Midowga Musharaxiinta Koofur Galbeed oo soo saaray bayaan ka dhan ah Lafta-Gareen

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta Koofur Galbeed oo soo saaray bayaan ka dhan ah Lafta-Gareen Golaha Midowga Musharixiinta Madaxwenaha ee Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeestay warmurtiyeedkii ay soo saareen guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Lafta-gareen, kaasoo ka hadlayay qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen uu muddo-xileedkiisu dhamaaday, islamarkaasna uusan haysan wax sharciyad ah wixii ka dambeeya 19ka Disember 2022.

Midowga musharaxiintu waxay sheegeen in aanan lagala tashanin war muriyeedka kasoo baxay Aadan Madoobe iyo Lafta Gareen. Waxay kaloo sheegeen inuu fashilmay gogoshii dib-u-heshiisinta ee ay so dhoweeyeen dhamaan ururada bulshada, wax-garadka ka soo jeeda KGS, Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo beesha caalamka.

Waxay ku eedeeyeen madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu weli wado cago juglayn ka dhan ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda, iyagoo sheegay inuu u diiday inay kasoo dagaan magaalada Baydhabo.