Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha oo shir degdeg ku leh Muqdisho

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta shir degdeg ah ku leh Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, iyagoo kaga arrinsanaya xaalado soo kordhay, wixii ka dambeeyay shirkoodii todobaadkii hore.

Shirkan ayaa looga hadlayaa xaalada cakiran ee doorashada, adkeynta baaqyadooda iyo qorshayaal ay doonayaan inay sameeyaan, si ay u sii wadaan cadaadiskooda.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay qorsheynayaan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka sameeyaan Muqdisho sida bannaan baxyo iyo shirar ballaaran oo ka dhan ah dowladda Federaalka.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Midowga Musharaxiinta war saxaafadeed ay ka soo saareen shir muddo 5 cisho socday ay ugu baaqeen dowladda Federaalka inay kala dirto Guddiyada doorashada, sidoo kale ka dalbaday inuu xilka banneeyo Taliyaha Nabadsugida, waxaa kaloo Musharaxiinta ka digeen haddii dowladda ku adkeysato inay sameyso doorasho aan loo dhameyn inay sameyn doonaan hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo.