Midowga Musharaxiinta Oo Dalbaday Ka Qeyb Galka Shirka Ka Furmaya Muqdisho

3

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee 20-ka bishaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Shirka Madaxda uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep, sidoo kalena looga wada hadli doono xalinta khilaadka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Waxaa uu sheegay in Shirka ay kasoo qeyb geli doonaan dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta looga baahan yahay hoggaaminta Shirkaas ka dhacaya Muqdisho.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa tilmaamay inay doonayaan ka qeyb galka Shirka Madaxda, isla markaana caddeeyay inay weli Ra’iisul Wasaare Rooble ku taageerayaan daadihinta hanaanka doorashooyinka dalka.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, waxaana uu sheegay in shirkaas uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii Sep.