Midowga Musharaxiinta Oo Jawaab Adag Kasoo Saaray Go’aankii Xukuumadda ee Doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharrixiinta Mucaaradka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeestay tallaabooyinka ku saabsanaa doorashada oo ay maanta ku dhawaaqday Xukuumadda Wasaare Rooble Rooble raaceen Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Ridwaan Xersi Maxamed ayaa ka hadlay hadalkii Maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ee ahaa inay fashilantay Waan-waantii uu waday ee la xiriira Khilaafka ka taagan Doorashada dalka ka dhaceysa.

“Waxaan la yaabnay inuu yiraahdo jawaab ayaan ka weynay, muddo saddex cisho ah inuu tashi nagula soo laabto ayey aheyd, jawaab sax ah oo nooga timid Qoor Qoor ma jirto,” ayuu yiri Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Madaxweyaha.

Ridwaan wuxuu beeniyey in madaxweyne Qoor Qoor uu jawaab ku soo celiyey madaxda mucaardkaa iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, walow Madaxweynaha Galmudug kaliya in uu jawaab ka waayay uu sheegay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa uu xusay in shirweyne ay isugu iman doonaan madaxdoodu si Soomaaliya uga dhacdo doorasho in kastoo uusan shaacin nooca ay noqoneyso doorashadaas.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.