Midowga Musharaxiinta oo ku jahweersan dib u dhaca marwalba ku yimaado jadwalka doorashada..

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray qoraal ka kooban lix qodob kuwaasoo ku saabsan doorashada golaha shacabka iyadoo uu Midowgu walaac Xooggan ka muujiyay dib u dhaca jadwalka doorashada.

Golaha ayaa dalbay in lahelo jadwal mideysan oo ay ku cadahay taariiqda bilwoga doorashada golaha shacabka iyo dhamaadkeeda.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ku baaqay in odayaasha dhaqanka loo daayo hanaanka soo xulista ergada isla markaana si siman loogu tartamo kuraasta Golaha Shacabka.

“Madaxda maamul goboleedyada waxa ay u madax banaanaayeen magacaabista kuraasta aqalka sare doorashada aqalka sare Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkana waxa ay marqaati ka ahaayeen sdii loogu takrifalay marka laga reebo meelo kooban.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta.