Midowga Musharaxiinta oo ku kala qeybsamay Banaabaxa Berri la qorsheeyay inuu dhaco

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wado dedaalo ay ku baajinayaan Banaanbaxa Berri ka dhacaya Muqdisho, kaasoo Wasaaradda Amniga Soomaaliya u ogolaatay Golaha Bulshada Banaadir.

Midowga Musharaxiinta ayaa hadda uu shir u socdaa iyadoo ay xusid mudantahay in Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay taageerayaan banaabaxa halka SHEEKH Shariif iyo Xasan Cali Kheyre ay ku doodayaan in la joojiyo.

Qaar kamid ah Musharaxiinta ayaa ka cabsi qaba in qalalaaso uu ka dhasho banaabaxa iyo iyagoo u baqaya amniga dibadbaxayaasha xili maanta uu Muqdisho ka dhacay qarax gaari laga soo buuxiyay.

Banaabaxan ayaa sida la sheegay waxaa looga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo iyadoo ay xusid mudantahay in xaaladda dalka ay hadda dagantahay islamarkaana laga heshiiyay doorashada.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in aan la qaban karin Banaanbaxaas, inkastoo ay ku adkeesteen qaban qaabayaasha Banaanbaxa.

Shir hadda u socdo Midowga iyo xubno katirsan qaban qaabayaasha Banaanbaxa ayaa looga hadlayaa joojinta Dibadbaxa si looga fogaado qatar amni oo dhacda.