Midowga Musharaxiinta oo soo saaray digniin ku socoto Farmaajo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta oo galabta illaa caawa shir uga socday Hotelka Jazeera ayaa ka soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan xaalada doorashada iyo caqabado ay sheegeen in haddii aan xal degdeg ah loo helin inay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Midowga musharaxiinta ayaa sheegay in xaalada dalka ay marayso xaalad hubanti la,aan ah.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay welwelsan yihiin faragelin uu ku haayo habsami u socodka doorashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

1 – Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, taas oo abuurtay in laba guddi doorasho ay sameysmaan.

2 – Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya laga gaarin.

3 – Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

4 – In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay.

5 – U-diyaargarowgii doorashada xubnaha AqaIka Sare oo aad u hooseeya, taas oo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegay in hadii aan xal deg deg ah loo helin caqabadaha kor ku xusan, ay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo wada dhanyahay.