Midowga Musharaxiinta oo soo saaray war murtiyeed ka kooban Afar Qodob oo xasaasi ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulan Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Midowga Musharixiinta ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ay walaac uga muujiyeen sida uu ku bilawday doorashooyinka aqalka Sare.

War-Saxaafadeedka Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale loogaga dalbaday in habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose ay noqdaan kuwo daahfuran oo wadar oggol ah.

Qodobada laga soo saaray shirka ayaa waxaa ka mid ah in 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.

1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.

2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qaybqaataan.

3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami- u-qabashada doorashooyinka.

4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed.