Midowga Musharaxiinta oo tilmaamay inaan la fiirsan karin wax socda, laguna tilmaami karin doorasho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saaray shirar maalmihii la soo dhaafay u socday oo looga hadlayay geeddi socodka doorashooyinka ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo Nabadgelyo la’aan.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aan lagu fiirsan karin sida ay wax u socdaan, isla markaana aysan raalli ka noqon karin, aqbaleyn iyo qeybna ka noqoneyn boobka socda.

Waxaa kaloo ay caddeeyeen in mas’uuliyadda ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Hoos ka akhriso qodobada.

1- In waxa socdaa aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni darri iyo nabadgelyo la’aan.

2- In Goluhu uusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dawladnimada.

3- In aan la fiirsan karin sida ay wax socdaaan, sidaas darteedna Goluhu wuxuu watadashi la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo xal qaran oo dalka looga samatabixiyo halista ku soo fool leh xasilloonida, dawladnimada iyo wadajirka ummadda.

4- In madaxda dawladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ay qaadayaan mas’uuliyada natiijada ka dhalata boobka doorashada.

5- In ay shacabka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeestaan ajandaha gurracan ee lagu hagardaamaynayo dawladnimada, xasilloonida siyaasadeed iyo wadajirka ummadnimo, garabna nagu siiyaan samatabixinta dalka.

6- In beesha caalamka aysan indhaha ka laaban boobka doorashooyinka, fartana ku fiiqaan hufnaan la’aanta doorshada, aysanna sugin waaqib xumida Ihalan karta boobka socda