Midowga Musharaxiinta Oo War culus kasoo Saaray Shacabkii Lagu Rasaaseeyey Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa si kulul loogu canbaarayey rasaastii ay ciidanka dawladda Federaalka sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso Qoraalka Musharaxiinta kasoo baxay.

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dawladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey magaalada Muqdisho.

Golohu wuxuu mas’uuliyada eeddaas dusha ka saarayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ciidanka Gorgor, iyo Haramcad ee ay dawladda Turkiga tababartay u adeegsaday caburinta shacabka mudaaharaadayey.

Waxaa rasaastii maanta ay ciidanka fureen ku dhaawacmay ilaa afar ruux, halka la xiray labo ruux oo kale. Taliska Ciidanka Nabadsugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku raadjooga dadkii mudaaharaadka ka qayb galay. Goluhu wuxuu dalbanayaa in si degdeg ah loo sii daayo dadka la xiray, lana joojiyo baacsiga lagu hayo dadkii dibadbaxa ka qaybgalay. Goluhu wuxuuna uga digayaa ciidanka in ay qaataan amarka lagu xabbadaynayo shacabka walaalahood iyo waalidoontooda ah, waana in ay xusuusnaadaan in muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay oo keli ah 54 maalin.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu diiddan yahay in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, la dhigo dibad baxyo iyo kulamo nabadeed oo ay shacabku ku cabirayaan aragtidooda si xor ah, taasoo ka soo horjeeda Dastuurka dalka iyo qiyamka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

Xorriyadu waxay leedahay qiimo ay ku kacdo, iyadoo taa laga duulayo ayuu Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan isku soo baxyada nabadeed, waxaan idin balanqaadaynaa in aan ku soo biiri doono dibadbaxyada soo socda.