Midowga musharaxiinta oo war cusub kasoo saaray go-aankii dalka looga saaray Francisco Madeira

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweyay go’aankii ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo dalka ka eryay Danjire Francisco Madeira oo ahaa ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa hawlgalka ciidanka AMISOM.

Warka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta, ayaa lagu sheegay, in go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa mid loo baahnaa, si ka fiirsi lehna looga baaraan degay, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida dalka iyo in aan la aqbalin xagal daacinta hawlaha nabadaynta ama hurinta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah.
Midowga Musharaxiinta, waxa ay sheegeen in ay marar badan ka dalbadeen Danjire Madeira in uu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Soomaaliya, isla-markaana hore dacwad qoraal oo ka dhan ah u gudbiyewn Midowga Afrika gaar ahaan Golaha Nabadgelyada iyo Amniga (Peace and Security Council) oo dalka booqasho ku yimid.

Midowga Afrika, ayay ugu baaqeen in ay soo magacaaban ergay xoojiya xiriirka Soomaaliya, hufnaan iyo sumcad leh, dhexdhexaadna ka noqda khilaafaadka siyaasadda, taageerana geedi-socodka nabadda Soomaaliya.

Waxa ay soo jeediyeen in la sii xoojiyo dardar galinta jadwalka doorashooyinka, iyo in dhaarinta Xildhibaannada cusub ee loo ballansan yahay 14, ka bishaan aysan dib u dhicin, isla-markaana si nabdoon oo aan daah lahayn loo soo afimeero doorashooyinka.