Midowga Musharaxiinta oo war xasaasi ah kasoo saaray dilka Ikraan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Musharaxiinta ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble inuu qaado saddex tallaab oo ku saabsan kiiska dilkii Ikraan Tahliil.

“Midowga Musharaxiinta wuxuu u tacsiyeynayaa ehelka Ikraam iyo shacabka Soomaaliyeed. Goluhu kuma qanacsana xogta ka soo baxday NISA ee ku aadan kiiska Ikraan. Wuxuunna dalbanayaan in isbedel degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka NISA, guddi madaxbannaan oo heer caalami ah loo saaro ka gungaarida xaqiiqda kiiska” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta.

Sidoo kale waxay soosaareen dhowr qodob

1- in is bedel degdeg ah lagu sameeyo hoggaanka sare ee hey’adda Nabadsugida, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

2- in loo saaro guddi caalami ah oo madax bannaan si looga gungaaro xaqiiqda kiiskan

3- in hey’adda loo magacaabo hoggaan kalsoonida shacabka hanan kara.