Midowga Musharixiinta Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeeshay Go’aankii Shalay Ee Xukuumadda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa kulan albaabada u xirnaayeen ku yeeshay Xubnaha Midowga musharixiinta Mucaaradka, iyaga oo kulankooda kaga hadlay Go’aankii xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur galbeed ee ahaa in la qabanayo doorashooyin, isla markaana aan waqtiga laga lumineyn Shacabka Soomaaliyeed.

Midowga musharixiinta ayaa waxaa ay si cad uga soo horjeesteen go’aankaas, waxaana ay sheegeen in go’aanka Xukuumadda iyo saddexda Dowlad goboleed in uusan aheyn mid sax ah, isla markaana kala qeybin karta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan raali nka noqoneyn tallaabada ay qaadeyso, isla markaana wixii ka yimaada ay mas’uuliyadooda qaadi doonaan.

Waxaa uu si cad u sheegay in hadii  dowladda ay ku adkeysato Go’aanka doorashada ay dhankooda tallaabooyin qaadi doonaan wallow uusan shaacin nooca ay noqoneyso tallaabadaas.

Khilaafka dhanka doorashada Soomaaliya ayaa sii xoogeystay, waxaana shalay xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in doorasho la aadayo, iyada oo doorashada aysan qeyb ka aheyn dowlad goboleedyada Jubbaland & Puntland.