Midowga Musharixinta iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Oo Kulmaya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ay kulan ku yeeshaan Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Xogaha la helay waxaa ay sheegayaan in looga hadli doono Arrimaha 2021-ka, oo ay hadda dhinacyadu isku hayaan, wuxuuna qabsoomayaa kahor Shirka DFS iyo Dwoald Gobaleedyada ee Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa haatan ku sugan Magaalada Nairobi oo todobaad ka hor uu ku tegay safar aan horay loo sii shaacin, halka Madaxweynaha Puntland la filayo in uu dhawaan tago Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka dhinacyada ayaa waxaa qeyb ka noqon doono Xubnaha u doorteen guddoonka Musharixiinta Madaxweynaha,halka warar kale ay sheegayaan in Xubno ka socda Somaliland ay shirka ka qeyb-geli doonaan, waxaana ay aad u falan doonaan doorashooyinka lagu muransan yahay iyo waxyaabaha la gudboon dhinacooda.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Somaaliya ayaa shirar dhowr ah waxaa uu uga qabsoomay Magaalada Muqdisho, iyaga oo kasoo saaray qodobo ay ku dhliilsan yihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya ee la xiriira Arrimaha doorashooyinka.