Midowga musharraxiinta oo war cusub kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee ku aadan khilaafka haatan ka dhex qarxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Musharrax Ridwaan Xirsi Maxamed oo faah faahin ka bixiyey kulankaasi ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu ahaa is xog wareysi ku aadan xaaladaha soo kordhay iyo khilaafka siyaasadeed ee haatan kasoo cusboonaaday Villa Soomaaliya, xilli lagu jiro doorashooyin.

“Golaha midowga musharraxiinta ayaa kulan ka yeeshay xaaladda dalka gaar ahaan khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & ra’iisul Wasaaraha, warmurtiyeed dhammeystiran ayaan ka soo saari doonnaa, balse waxa aan Rooble ku taageernay go’aanka uu qaatay” ayuu yiri Ridwaan Xirsi oo ka mid ah musharraxiinta.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa yeelatay weji cusub kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay Rooble iyo  Farmaajo, waxaana arrintan laga yaabaa inay saameyn ku yeelato hannaanka doorashooyinka dalka.