Midowga Musharrixiinta oo dalbaday in Farmaajo deg deg uga baxo Villa Somalia

MUQDISHU-AYAAMAHA-Xubnaha Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay inay cambaareeynayaan iskuday afgembi oo ay sheegeen in uu Farmaajo shalay ku kacay ,isla markaana uu ahaa qayaano Qaran oo la doonayay in lagu dumiyo Hay’adaha Dastuuriga ah laguna carqaladeeynayo doorashooyinka.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa waxaa sidoo kale ku sheegeen in Maxamad C/laahi Farmaajo uu isku deyey in uu ciidan ku qabsado hay’ado madani ah oo dastuuri ah, iyaga oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbiga.