Midowga Yurub oo war kasoo saaray khilaafka Rooble iyo Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May.

“Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub.

Sidan oo kale Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday Ra’isul Wasaare Rooble iyo Farmaajo iney khilaafka dhameeyaan.

Waxaa xusid mudan in la filayay in RW Rooble uu garab ka helo Beesha Caalamka islamarkaana meesha laga saaro Farmaajo balse midaas ayaa suuragali weysay kadib markii madaxda maamul goboleedyada ay ugu baaqeen RW Rooble iyo Farmaajo iney heshiiyaan.