Miisaaniyadda 2021 ee Maamulka Galmudug oo la ansaxiyey.

DHUSAMAREEB-AYAAMAHA-Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta meel mariyay miisaaniyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee 2021

Kulanka Baarlamaanka maanta oo shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlineysay Gudoomiye ku xigeemka 2-aad Marwo Faadumo Cabdi Cali ayaa ajandaha kulanku wuxuu ahaay,

1. Akhrinta 3-aad iyo Ansixinta Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda 2021.
2. Bandhiga iyo Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Galmudug.

Gudiga maaliyada ee Baarlamaanka oo miisaaniyada Galmudug dib u eegis ku sameeyay ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday meelmarinta miisaaniyda, waxaana codsiga gudiga kadib xildhibaanadu si caqlibiyad ah u meel mariyeen miisaaniyada Galmudug ee 2021

Dhanka kale wasaarada Ganacsiga Galmudug ayaa Baarlamaanka Galmudug maanta hor keentay Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Galmudug.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xildhibabaanada Baarlamaanka Galmudug usharxay muhiimada Sharcigaan uleeyahay Ganacsiga Galmudug