Miisaaniyadda maamulka Puntland oo ah kala bar Miisaaniyadda Dowladda Federaalka.

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo dhan $354,039,039.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay Siyaasadda Kaabista Ciidamada Dowladda Puntland iyo Xeerka Fayadhowrka Caanaha Xoolaha Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Doorashaddii  goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomtay degmooyinka Ufeyn , Eyl iyo Qardho, doorashadaasi oo ahayd guul taariikhi ah oo Puntland ku hoggaamisay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in ay dhameystirto hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda  oo dhakhso loo guda galo qabashada Doorashadda goleyaasha deegaanka ee degmooyinka kale ee Puntland.

Maamulka Puntland ayaa ah maamulka uhu miisaaniyadda badan dhammaan Maamulada ka jira dalka, waxaana sanadkaan Miisaaniyadiisu tahay kala Miisaaniyada dowladda Federaalka oo $354,039,039 milyan oo doolar, halka dowlada federaalka ay tahay $699 milyan oo doolar.