Milatariga Itoobiya oo ka hadlay sababta keentay in TPLF ay ka baxdo deegaanada Canfarta iyo Amxaarada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-War kasoo baxay milatariga Itoobiya ayaa lagu sheegay in xooggaga TPLF lagu qasbay in ay ka baxaan magaalooyinkii ay ka joogeen labada gobol ee Amxaarada iyo Canfarta , waxa ayna sheegeen in TPLF awood ciidan looga adkaaday.

Milatariga Itoobiya ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooda TPLF ilaa laga ciribtiro, waxa ayna guulo ka sheegteen dagaaladii ugu dambeeyay ay la galeen kooxdaasi ugana qabsadeen dhoor magaalo.

Kooxda TPLF afhayeen u hadlay ayaa qiray in ciidankooda la kulmeen awood xad dhaaf ah, waxa uuna si gaar ah uga cawdeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Turkiga ay adeegsanayaan milatariga Itoobiya.