Milatariga Soomaaliya oo guulo ka sheegtay dagaalka saaka ee Balcad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay dileen ugu yaraan sagaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo saakay weerar gaadmo ah ku qaaday qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Gacan ku heynta Degmada Balcad waxaa saacado kooban la wareegay kooxda Al Shabaab kadib markii ciidamada dowlada ee horey uga sugnaa degmadaasi ka baxeen, waxa ayna Al Shabaab howlgalo ka sameeyeen qeybo kamid ah degmada Balcad.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab ku arkayeen xaafado katirsan degmada Balcad, waxaana Al Shabaab markii dambe isaga baxeen degmadaasi kadib markii ciidanka dowlada oo gurmad helay dib usoo rogaal celiyeen.

Dagaalka ka dhacay Balcad ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmadaasi.

Taliska ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa guul ka sheegtay dagaalka ka dhacay Balcad, waxa ayna sheegeen taliska milatariga in Al Shabaab ka dileen 9-dagaalyahan kuwa kalana ay ka dhaawaceen.

Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen Balcad, waxa ayna sheegeen in ay kula wareegeen degmada sidoo kale ay khasaaro gaarsiiyeen ciidanka milatariga ayna ku qabsadeen gaadiid iyo agab kale.

Ciidamo badan oo gurmad ah iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Balcad kuwaa oo u kuur galaya xaalada degmadaasi iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay degmadaasi.

Xaaladda magaalada ayaa hadda daggan, waxaana soconaya howl-gallo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku baadi goobayaan xubnaha katirsan  Al-Shabaab ee degmada Balcad soo weeraray.