Militeri aan la aqoon oo isku hareereeyey guriga Ra’iisul Wasaaraha SUDAN.

MUQDIAHO-AYAAMAHA-Wararka ka imaanaya dalka Suudaan waxay sheegaya in dalkaas uu ka socda isku day afgembi, waxaana lagu soo warramayaa in militeri aan la aqoon ay isku hareereeyeen guriga Ra’iisul Wasaare Cabdalla Hamdok.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabsi guri la geliyay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in ciidammada ay xireen afar kamid ah golaha wasiirada iyo qof rayida ah oo ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah ee Suudaan.

Sidoo kale, wararka waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay la taliyihii dhanka warbaahinta ee Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaana hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri.

Khamistii kumanaan kun oo qof ayaa dibadbaxyo ka dhigay caasimadda Suudaan si ay taageero ugu muujiyaan dowladda kumeel gaarka ah.

Dhinaca kalena, waxaa jiray dad kale oo taageero u muujinayay militeriga isla markaana ugu baaqay inay afgembiyaan, waxay ku eedeeyeen dowladda rayidka ah inay fashilantay.

Waxay xiisad ka dhex taagneyd militeriga iyo shacabka Suudaanka maadama labada dhinac ay qeyb ka yihiin dowladda kumeel gaarka ah ee la dhisay sanadkii 2019 si dalka loogu jiheeyo doorasho.

Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in dad taageerayo dowladda rayidka ah ay isugu soo baxeen waddooyinka dalkaas halka militeriga ay isku dayayaan inay ka hortaggaan.