Militeriga Mareykanka oo soo riday qalab kale oo dul heehaabayay hawada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa soo ridday qalab duulayay hawada Mareykanka oo aan la aqoonsan. Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in saraakiisha aysan weli u suurtagalin inay ogaadaan waxa uu ahaa qalabka lasoo riday.

Waa markii afaraad ee uu Mareykanka bishan gudaheeda fuliyo howlgalka noocan ah oo lagu soo ridayo waxyaabo hawada duulayay oo laga shakiyay.

Taliyaha ciidamada ee waqooyiga ayaa sheegay in qalabka dul heebayay hawada Mareykanka aan lagu tilmaami karin buufin iyo sababta uu hawada ugu jiray. Wuxuu intaa ku daray in meesha aan laga saari karin in qalabka uu ahaa mid shisheeye.

Madaxweyne Joe Biden ayaa galabtii Axadda amar ku bixiyay in lagu soo dejiyo meel u dhow harada Huron oo ku taalla agagaarka xadka Canada.

Qalabkan ayaa waxaa looga cabsanayay in uu faragelin ku sameeyo diyaradaha qaada xamuulka ee marayay hawada maadaama uu qalabka dhulka u jiray 20,000ft (6,100m), sida lagau sheegay bayaan ka soo baxay waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka.

Saraakiisha Pentagon-ka ayaa sheegay in markii ugu horreysay lagu arkay meel ka baxsan goobaha militariga ee Montana, maalintii Sabtidii.

Qalabka oo aan loo arkin in uu yahay halis ciidan ayay saraakiisha difaaca Mareykanka ku tilmaameen mid aaney cidina wadin oo lahaa saddex geesood.

Waxaa lagu dhuftay gantaal laga soo riday diyaaradda F-16 saacadu markii ay ahayd 14:42 wakhtiga Mareykanka.

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan xaddiga walxaha hawada ku duulayay ee bishan lagu soo riday Waqooyiga Ameerika.

Buufin looga shakisanaa inay basaas u aheyd Shiinaha ayaa lagu soo riday xeebta South Carolina 4-tii bishan ka dib markii ay maalmo dul heehaabaysay qaaradda Mareykanka.

Saraakiisha waxay sheegeen in laga soo diray Shiinaha si loogu la socdo dhaqdhaqaaqa goobaha xasaasiga ah.

Shiinaha ayaa beeniyey in walxahan loo adeegsaday basaasnimo, wuxuuna sheegay in uu ahaa qalab lagula soconayo cimilada kasoo la buufiyay. Dhacdadan – iyo caradii ka dhalatay arrintani ka dib – waxay kor u qaadeen xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

Axaddii, sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in Maraykanku uu la xiriiriyay xukuumadda Beijing kadib markii la arkayay qalabkii ugu horreeyay xilli uusan wax jawaab ah ka helin dhowr maalmood, Ilaa hadda ma cadda waxa ay ka wadahadleen.

Tan iyo dhacdadaas, diyaaradaha dagaalka Mareykanka waxay soo rideen saddex walxo oo kale oo hawada marayay.

Madaxweyne Biden ayaa Jimcihii amar ku bixiyay in lasoo rido qalab dul heehaabayay hawada gobolka Alaska, Sabtidii waxaa la soo riday qalab kale oo marayay hawada Yukon ee waqooy galbeed dalka Canada.

Saraakiishu si cad uma aysan aqoonsan halka laga soo diray iyo ujeeddada qalabka, Mareykanka iyo Canada ayaa wali ka shaqeynaya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen haraadiga qalabka lasoo riday balse waxaa dadaalladdaas caqabad ku noqotay xaaladda ka jirta badda Arctic.

“Walxahan la arkay iskuma eko, waxayna aad uga yaraayeen, buufintii hwada lagu arkay [4-tii bishan] si dhab uma faahfaahin karno tan iyo inta aan ka arkeyno haraadiga qalabka lasoo riday” ayuu yiri afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad.

source:BBC