Milkiilaha Shirkadda Facebook oo sacado gudahood ku khasaaray Balaayiin Doollar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Adeegyada aaladaha baraha bulshada ee dadku ku wada xiriiraan ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib hawada ugu soo laabtay kadib markii uu hawada ka maqnaa ku dhawaad ​​6 saacadood,sida ay shirkadu sheegtay.

Shirkadda ayaa sheegtay in sababta ay ahayd cillad ku timid hannaanka ay shirkadahani u shaqeeyaan.

Dhammaan saddexdan aalad ee baraha bulshada ayaa waxaa iska leh shirkadda Facebook.

waa muddadii ugu dheereyd ee barahani buslahada ay hawada ka maqnadaan sida ay shirkadu sheegtay.

Dad tiradoodu ay gaarayso 10.6 milyan oo ku kala sugan guud ahaan caalamka ayaa soo sheegay in ay dhibaatadani saameysay.

Mark Zuckerberg Milkiilaha Shirkadda Facebook ayaa qasaaray $6 billion oo dollarka Mareykanka ah saacado yar gudahood kadib markii ay hawada ka baxday Aaladda Facebook oo cilad ku timid iyo baraha kale ee ay Shirkaddu leedahay.

Zuckerberg oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Dunida ayaa waxaa soo wajahday culeys dhanka dhaqaalaha, maadaama saacado yar un qasaaray balaayiiin dollar ka Mareykanka ah.

Shirkadda Facebook ayaa Isniintii 4 October lumisay 49% dhaqaalaha Shirkadda, marka loo eego 15% oo ay qasaartay bartamihi bisha September.

Khubarada ayaa sheegtay in saacad walba lacag dhan nus malyuun doolar oo xayiisiin ah ay khasaarayeen shirakadahani.

Saamiga shirkadda facebook ayaa hoos u dhacay 5% suuqa saamiyada magaalada New York.

Cilladdan ku timid adeegyada barahan bulshada ayaa waxaa uu saaameyn ku yeshay 3 bilyan iyo bar ah dadka isticmaala.

Arrintan ayaa imaanaysa maalin uun kadib wareysi lala yeeshay mid ka mdi ah shaqaalihii hore ee Facebook oo soo dusiyey dukumentiyo ku saabsan shirkadda.

Frances Haugen ayaa u sheegay CBS news Axaddii in shirkaddu ay mudnaanta koowaad siisay “kobcinta dhaqaalaha taa badalkeedana ay dayacday badqabka iyo amniga shirkadda”.