Millateriga Itoobiya “Kumannaan jabhadda TPLF ah ayaannu dilnay”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Millateriga waddanka Itoobiya ayaa ku andacooday in dagaalkii 10-ka bilood ka socday waqooyiga dalkaasi ay ku dileen in ka badan 5,600 oo ka tirsan ciidammada fallaagada Tigray-da.

Colaaddaas ay dadka badan ayaa waxa ay dalkaasi ka taagneyd tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii tegay, hasayeeshee bayaanka uu soo saaray janaraalka sare ee Bacha Debele ayaanan sheegin waqti cayin oo dadkaasi lagu laalay.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in tiradaasi laga soo minguuriyay dagaalladii ugu dambeeyay.

Jeneraalka ayaa sheegay in sidoo kale 2,300 jabhaddaas ahi ay ku dhaawacmeen, halka ay nolol ku qabteen ku dhawaad lab kun.

Milyimaad shacab ah ayaa waajahaya macalluul uu khilaafkani sababay sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Jen, Debele, ayaa ku eedeeyey jabhadda TPLF Nin ay isku deyeyeen in ay kala gooyaan dalkaasi, xilli kooxduna weerarraro ka geysatay gobollada deriska la ah ee Amharada iyo Canfarta.

Illaa hadda se ma jirto wax jawaab ah o arrintan ku saabsan o ka timi dhanka TPLF.

Dagaalkan ayaa bilaabmay sannadkii tegay kaddib bilo dawladu raysalwasaare Abiy ku eedaynaysay jabhadda TPLF in ay isku dayeen oo weerareen goobo millatari oo ku yaal halkaas.

Isagoo Abiy halkaa ciidammo u diray si ay meesha uga tuuraan dawladii gobolkaas.

Waxaa la rumaysan yahay in dagaalkaasi ay ku dhinten kumannaan qof halka ay milyamaad kalena ku barakaceen, oo qaarkood u yaaceen dhankaa iyo Suudaan.

Waxaana haayadaha u dooda xuquuqda aadamaha labada dhinacba ku eedeeyeen xasuuq, uu ka mid kufsi iyo laynta shacab aa waxba galabsan.