Millateriga Somaliland oo ku hanjabay in uu xoog amniga ku sugi doono hadii rabshado danbe dhacaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa sheegay in aanu ciidanku gobolka ka bixi doonin, hadii amni daro danbe dhacdana uu xoog nabada ku sugi doono.

Taliyaha Ciidamada Millateriga ee Gobolka Sool Sareeye Guuto Mahad Cambaashe, ayaa digniin u diray dad uu sheegay in ay rabaan in ay magaalada Laascaanood qas galiyaan, isagoo xusay in ciidanku aanu bixi doonin.

“Karin walba waxa kasoo dhacay nin leh, Laascaanood waa la qabsaday oo dhaxalkii abaha ayaa lagu qaybsanayaaye ina gaadhsiiya … kuwa in aanu duno raba, iyo kuwa dhismahayaga iyo magaaladayada ka xun, intaba waxan leeyahay, ciidankii qaranku ma bixin, xata bixi maayo” ayuu yidhi Cambaashe.

Waxa uu sheegay in Laascaanood uu Ciidanka Somaliland ka taliyo, isla markaana xiligii ay Somaliland timid gobolka ay nabadgalyadiisu aad u xumayd, oo la is wada dilayay.

“Laascaanood anaga ayaa joogna waa u talinay, waxaanu ugu talinaynana nin waliba waa arkaa, 2007 markii aanu soo galnay ee nidaamka Somaliland ee barakaysani noo yimid Dhulbahante ma wada-hadlayn, xabada iyo maydkuna waa nagu badnaa, reer waliba reer hebel ayuu ku duuli jiray” ayuu yidhi Cambaashe.

Taliyuhu waxa uu sheegay in Laascaanood ayna jirin cid kusoo duushay, isla markaana, uu isagu xukumo oo uu ciidanka ka saaray, hadii amni darada la joojin waayona uu ciidanka magaalada kusoo celin doono nabadana xoog kusoo celin doono.

Waxa uu sheegay in uu ka xunyahay dhibaatadii ka dhalatay rabshadihii Laascaanood, isaga oo sheegay in ciidanku ku dadaalay in ayna shacabka laynin, oo hadii uu ciidan kale ahaan lahaa ay boqollaal dhiman lahaayeen..