Muddo sanado ah kadib Shirkadda Hormuud oo qiimo dhimis ku sameysay kaarka ku hadalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirkadda Hormuud Telecom Soomaaliya oo ah Shirkad isgaarsineed ahna tan ugu ballaaran dhanka isgaarsiinta dalka Soomaaliya ayaa qiimo dhimis ballaaran ku sameysay kaarka ku hadalka ee dadweynaha iskula hadlaan.

Simkaarka hormuud oo ah midka loogu isticmaalka badan guud ahaan shirkadaha ka jira dalka ayaa waxaa lagu sameeyey qiimo dhismis dhanka ku hadalka, iyadoo $1 laga dhigey 100 daqiiqo, halka markii hore $1 uu ka ahaa 70 daqiiqo. Waxaa lagu kordhiyey 30 daqiiqo. $5 waxaa laga dhigay 750 daqiiqo halka markii hore aheyd 500 daqiio, waxaana lagu kordhiyey 250 daqiiqo.

Sidookale waxaa lagu soo kordhiyey 10 sinti oo aad ka dhigan karto ku hadal 8 daqiiqo iyo sidookale nus doolar ama 0.5 sinti oo laga dhigay 40 daqiiqo oo ku hadal ah.

Qoraal ka soo baxay Shirkadda Hormuud ayaa lagu yiri “Sanad guurada 10-aad ee adeegga EVC Plus awgeed, waxaan qiimo dhimis ballaaran ku sameynay xirmooyinka ku hadalka gudaha ee adeegga Anfac, waxaana laga dhigay sidaan, $1=100 daqiiqo, iyo $5=750 daqiiqo. Qiima dhiimista waxay billaaban doontaa 13/1/2022 12:00 AM saqda dhexe”

Tartarka Shirkadaha waa mid faa’ido badan u leh bulshada isticmaasha simkaarada shirkadaha dalka ka jira, iyago marba doorta midda ay dani ugu jirto, sidookalena ka faa’ideysta qiimo dhismista shirkadaha ay dameynayaan.

Qiimo dhismista shirkada hormuud ee kaarka ku hadalka.