Muddo Xileedka Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Ku Eg.

MUQDSHO-AYAAMAHA-Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 27/12/2020 ayuu ku egyahay muddo xileedka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo muddo Afar sano ah soo hayay xilalkaas, iyad aoo ay jiraan dadka ay matalayeen oo  ka cabanayay Baarlamaanka oo sheegay in aysan waxba ugu qaban halka qaarkood la sheegay inay si wanaagsan ugu adeegeen bulshadooda.

Afartii sano ee la soo dhaafay Xildhibaannada golaha shacabka badnood waxaa ay qabteen xilal Wasiir, wasiir kuxigeeno iyo Agaasimayaal halka qaarkood ay fursado kala heleen, waxaana badanood ay haatan wadan sidii ay markale ugu soo laaban lahaayeen xubinimada Baarlamaanka labada Aqal.

Dalka haatan waxaa uu galayaa xilli doorasho wallow uu mran ka taagan yahay, hayeeshee sanadkii 2016-kii xilligaan oo kale waxaa doornaa Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee maanta ay taasi ka udwan tahay, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan oo dhawaan hadlay uu sheegay in baarlamaanka 10aad ay sii joogi doonaan ilaa lag helo Baarlamaankii bedeli lahaa.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaannada mudad xilheyntooda uu ka dhamaaday oo ka hadlayay xaalada dalka ayaa sheegay in muddadii xilheyn doodii uu ka dhamaaday, Madaxwyne Farmaajana muddo 40  Cisho ah ay u harsan tahay, hayeeshee ilaa iyo hadda aysan muuqan fursadii lagu qaban lahaa doorasho la isla ogolyahay.

“Maanta ayay ku egtahay muddo xileedka Goleyaasha Barlamaanka. Duqa Farmaajo ahna 40 cisho ayaa ka hartay muddo xileedkiisa. Doorasho la isla ogolyahay iyo daruuftii lagu qaban lahaa ilaa hada midna nooma muuqato ayuu yiri” Mahad Salaad.

Hoos Ka Akhriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo wuxuu yaqiinsaday doorasho xor iyo xalaal ah in uusan Madaxweyne mar labaad ku noqon karin. Sidaas daraadeed wuxuu go’aansaday in uu keligiis isku caano shubo ama dalka geliyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Lama yaabani Farmaajo oo waa nin garasho siyaasadeed ka arradan, guulwadeyaal sii luminayana ay hareerahiisa buuxaan. Lkn waxan waydiin lahaa NACAMLEYAASHA HAWIYE EE HAREERIHIISA DHOOBAN, ma sidaan ayay dan moodeen mise marka Farmaajo dalka iyo dadka dagaal geliyo, diyaaradna ka raaco ayay rakaabka diyaaradiisa kamid noqon doonaan?!