Muhiimadda ay Soomaliya u leedahay dekadda Garacad iyo Saddex waxyaabood oo ka cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxa maanta xariga laga jaray dekadda Garacad, ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin, ganacsato iyo dad kale oo badan oo goob joog ka ahaa daah-furka mashruucaan lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee dhawaanahan laga hirgeliyo dawlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dekedda Garacad.

Mas’uuliyiin ka socotay gobolka ayaa ka qayb galaya xafladda, waxaana kamid ah madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wasiirka magacaaban ee gaashaandhigga ee Kenya, Aadan Barre Ducaale.

Haddaba shan waxyaabood ka ogow dekadda Garacad.

Wajiga koowaad ee dekadda Garacad

 

Mashruucaan dekadda Garacad, ayaa la dhagax dhigay sanadkii 2019-ka, inkastoo howsha iyo qaban qaabadu ay soctay muddo intaa ka badan, haddana waxay soo martay marxalado kala duwan.

Daah-furka maanta la sameyay waa wajiga koowaad ee dhismaha waxaana uu ka koobanyahay laba jambi ( laba dhinac), waxaa haray laba dhinac oo kale, oo qorshuhu yahay in la dhameys tiro, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta mashruucan gacanta ku haya ee shirkadda Wadaagsan.

Xarig ka jaridda dekaddan ayaa dhacay iyadoo uu ku soo xirtay Markabkii ugu horreeyay oo sida 9000, oo tan oo shamiito ah.

Dhisme ku yimid isku tashi

Ganacsato gacan ka helaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Puntland, ayaa hirgaliyay dekaddan oo dhismaheedu uu ku baxay qrasha gaaraya 120 milyan oo doolar. Marka la dhameystiro mashuurac ayaa la filayaa in guudahaan qarashaka ku baxa uu noqdo 325 milyan oo doolar.

“Fikirka markii hore waxaa lahaa ganacsato, laakin dowladda Puntland iyo shacabkuba dhismaha way ka qayb qaateen,” ayuu yiri maareeyahay shirkadda Wadaagsan ee dekadda dhistay Saciid Cabdulqaadir Faadi.Waa mashruucii ugu weynaa oo waayadaan lagu dhiso isku tashi bulsho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xarig jarka ayaa ku bogaadiyay dadka reer Puntland iyo guudahaan shacabka Soomaaliyeed iskaashiga guulaha horseeday ee ay sameyeen.

“Horumar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah nabadda iyo isku duubnida. Bulshada deegankan iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay u gaari karaan guulo waaweyn haddi ay gacmaha is-qabsadaan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaali oo dhan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Muhiimadda dekadda Garacad

Dekaddaan furitaankeeda ka sakow madaxda ka qayb gashay waxaa iyaguna goob joog ahaa shirkado ganacsi oo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed, kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay billaabi donaan dhawaan in ay kala soo degaan waxyaabaha ay dibadda ka keenaan.

Sidoo kale waxaa jiri doona dhisidda waddo ka billaabata Garacad, Gaalkacyo marta isla markaana gaarta deegaanka ku yaalla xadka uu dalka Soomaaliya la wadagao dalka Itoobiya, oo lagu magaacbo Tuur Dibi oo ka tirsan degmada Goldogob.

Sidoo kale dekadda waxaa laga sameyn doonaa maxjar xoolaha laga dhoofiyo maadaama ay ku taalla aag muhiim ah una dhaxeeyso dekaddaha Muqdisho iyo Boosaaso oo aad u kala fog.

Sidoo kale gobollada dhexe waa meelaha ugu badan oo xoolaha Soomaaliya laga dhoofiya waxayna dekaddaan u tahay fursad muhiim ah.

Maareeyaha shirkadda Wadaagsan Saciid Cabdulqaadir Faadi, ayaa BBC-da u sheegay in sidoo kale la sameyn doon (Dry Port) dekad qalalan oo ay inta badan dowladda Itoobiya ay wax kala soo degi doonto.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo xafladda khubad ka jeediyay ayaa isna sheegay in tan iyo markii isbdelku ka dhacay dalka Itoobiya oo xilka uu qabtay raysal wasaare Abiy Axmed uu kordhay ganacsiga dekadda Boosaaso, sababo la xiriira isticmaalka dowladda Itoobiya.

Wuxuu yiri madaxweyne Mustafe:- waan sii xoojinaynaa arrintaas waana ku faraxsanahay dekadda cusub ee soo korartay,”.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabadullaahi Deni, ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Soomaaliya ay u jihaysatay dhanka wanaagsan ee horumarka isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ubuc u tahay guudahaan hourumarka Geeska Afrika.

Muhiimadda dekaddan ay leedahay waxaa ka mid ah in dadka deegaanku ay sidoo kale ka heli karaan fursado shaqo iyo maalgashi lagu sameeyo deegaanka.

BBC