Mukhtaar Roobow oo arrin cusub ka dhex billaabay gudaha Madaxooyada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiir Xasan Eelaay oo xilligii uu ahaa Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ay dowladdii Farmaajo isaga iyo mas’uuliyiin kale u adeegsatay in la xiro Sheekh Mukhtaar Roobow, lagana soo qabtay Baydhabo bishii December 2018 ayaa galabta markii xilka Wasiirka Xanaanada Xoolaha loo magacaabay waxaa uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha hortooda ku raalli geliyay Mukhtaar Roobow, waana uu cafiyay.

Waxa ay sidoo kale isla qaateen iney ka wada shaqeeyaan sidii niyadsami Qaranka loogu adeegi lahaa, iyadoo sidoo kale la isku raacay in lala kulansiiyo wadaadkan xubno Koofur Galbeed ah oo ay wax kala tirsanayaan.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo muddo saddex sano arrimo siyaasadeed ugu xirnaa dowladdii hore ayaa maanta ka mid noqday Golaha Wasiirada cusub, isagoo loo magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

Si kastaba, Waxaa la soo magacaabay golaha wasiiradda cusub, iyadoo qaar kamida xubnaha la soo xulay ay ku jiraan kuwo aaney isku wanaagsaneyn madaxda maamulada Koofur Galbeed, Puntland iyo Galmudug, lamana oga talaabada ay qaadi doonaan madaxdaasi.