Mukhtar Roobow oo lagala baxay hoygii lagu hayay.

MUQDISHU-AYAAMAHA-Xogo Sir-doon oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaanka hay’adda NISA, ay xalay hoygii uu xabsi-guriga ku ahaa kala baxeen Mukhtaar Roobow, kaas oo 1,112, [Kun, boqol labo iyo tobon] maalmood, isaga oo aan la geyn wax maxakamad ah, u af-duubn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

ida ay xoguhu muujinayaan, lama garanayo halka la geeyay iyo sababta looga saaray hoygii muddada lagu hayay oo ku dhex yaala Xarunta Nabad-sugidda ee Habar Khadiijo, halkaas oo sidoo kale lagu hayo Xasan Daahir Aweys, oo ahaa hoggaamiyihii Ururkii Xisbul-Islaam.

Tallaabada NISA, ayaa ku soo aadeysa, wax yar kadib markii Wasiirka Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur, uu eedeysane Yaasiin Farey, oo ku magacaaban ku simaha agaasimaha NISA, ku wargaliyay inuu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta xarigga Roobow.

Wax yar kadib, markii uu bannaanka u soo baxay amarka Wasiirka Amniga, waxaa iyana la baahihay jawabta Taliska Nabad-sugida, taas oo lagu sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu yahay Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree.