Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda adduunka oo Muqdisho lagu qabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda adduunka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa goordhow lagu daahfuray magaalada Muqdisho. Halku dhegga sanadkan waa “Jooji heybsooca, horumari nabadda”.

Munaasabadda oo ah mid heerkeedu sareeeyo, ayaa waxaa ka qeygalaya ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, ku xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, ergeyga UN-ka ee Soomaliya mudane James Swan, safiirrada dalalka caalamka ujooga dalkeena,Xildhibaanno, wasiiro, ATMIS ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin mataleysa dowlad goboleedyada, maamulka gobalka banaadir, ururada Bulshada rayidka.