Muqdisho oo maalintii labaad ka socoda gurmad xooggan oo loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe2.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maalintii labaad Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ku yaalla ka socda gurmadyo xooggan oo loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay Wasaaradda Waxbarashada.

Dad u badan dhallinyaro ayaa lagu arkayaa iyada oo buux-dhaafiyey Isbitaalada magaalada, kuwaasi oo dhiig u shubaya dadka qaba dhaawacyada ee u baahan gurmad dhiig, waxaana dadka dhiiga shubaya qeyb ka ah haween.

Isbitaalada ayaa la dhigay dhaawacyada qaraxyadii ka dhacay isgoyska Soobe, oo geystay khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, gelinkii dambe ee shalay ayaa dhismayaasha burburay laga soo saaray meydadka dad la la’aa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladd oo ay ugu horreeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaatan gurmadka loo sameeynayo dadka dhaawacmay, iyagoona dadka tagay Isbitaalada, si ay dhiig u shubaan.

Xukuumadda ayaa xalay ku dhawaaqday in dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.