Muqdisho oo maanta lagu qabtay tartanka Baaskiillada iyo loollan dhexmaray dhallinyarada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho saaka waxaa tartan baaskiilada ah loogu qabtay dhallinyaro ka kala socday kooxo kala duwan, waxaana loo xiray qaar ka mid ah waddooyinka waqooyiga magaalada.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa firimbiga loo yeeriyay 40 dhallinyaro ah oo ku loollamayay horyaalka baaskiillada Soomaaliya, goor dhow ayaana lasoo gabogabeeyay.

Tartankan oo ay qabteen Xiriirka Baaskiillada Soomaaliyeed ayay dhallinyaradu ku kaxeeyeen baaskiilladooda ilaa 8 kiiloo mitir, waxaana uu ahaa mid aad u xiiso badan oo ay dadweyne tiro badan ka qayb galeen.

Jawiga uu ku dhacay baratankan waxa uu ahaa mid daggan, sida uu noogu soo warramay Wariye Maxamed Cumar Baakaay, oo goob joog ka ahaa.

Muxsin Axmed Mukhtaar ayaa noqday horyaalka Baaskiillada Soomaaliya ee sanadkan, waxaana uu ku guuleystay kaalinta 1-aad ee tartankan xiisaha badnaa.

Tartamahan ayaa ka socday kooxda Xamar Cadde ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Waxaa kusoo xigay, oo kaalinta 2-aad galay Cabdiqaadir Cusmaan oo ka socday kooxda Xiddigaha.

Kaalinta 3-aad waxaa abaalmarinteeda helay Abshir Cabdullaahi oo matalayay kooxda Seylaani.

Muxsin oo horyaalnimada hantay ayaa la guddoonsiiyay koob aad u qurux badan.

Dhammaan dhallinyarada ka qayb gala y tartankan ayaa ah Soomaali, kumana jiraan ajaanib. Afar kooxood oo koox kasta ay wataan toban baaskiil ayaa ordayay.

Waa markii 7-aad oo tartanka horyaalka baaskiillada laga qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.