Muqdisho oo maanta lagu soo gabagabeynayo doorashada xildhibaanada G/Waqooyi.

Gudiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi-Somaliland ayaa maanta soo gabagabeynaya Doorashada saddexda kursi ee ugu dambeeyay kuraasta saamiga looga siiyay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

SEIT Somaliland ayaa qabtay Doorashada 43 kursi, waxaa saamiga la siiyay oo dhan 46 Xildhibaan maanta ayaa Muqdisho lagu dooranayaa 3da kursi ee harsan taasi oo ka dhigan in Gobollada Waqooyi-Somalilland uu fuliyay in Doorashada lagu soo idleeyo 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi-Somaliland ayaa maanta Muqdisho ku qabtay Doorashada saddexdii kursi ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya qaybta saami ahaanta uga aadday.

SEIT Somaliland oo qabtay Doorashada kursigii ugu horreeyay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya 1dii November 2021 ayaa ku guuleystay in uu soo gabagabeeyo Doorashada 46da Xildhibaan ee 275 Mudane laga siiyay Gobollada Waqooyi.

HOP#243: Samsam Muxumed Cumar ayaa ku guuleysatay codeyn gacan-taag ah oo ay ku heshay 98 cod, kaddib markii ay tanaasushay Dallays Cali Ibraahim, waxaana ka aamustay 2 qof. Kursigaan waxaa horay isaga casilay Maxamed Cumar Carteh Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Dalka.