Muqdisho oo maanta markale ka dhacaysa doorasho iyo dad caan ah oo ku tartamaya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaaciyey in Maanta la qabanayo doorashada Afar kursi oo kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi ee Golaha Shacabka, waxaana dhawaan Guddiga uu soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta tartamaya.

Kuraasta doorashadooda qabanayo ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin HOP#262 oo ay ku fadhiday Fowsiya Yuusuf Xaaji, kursiga HOP#229 uu ku fadhiyey Cabdullaahi Cismaan Ducaalle, kursiga HOP#254 uu ku fadhiye Jaamac Maxamed Askar iyo kursiga HOP#255 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Maxamuud Maxamed.

Doorashada kuraastaan oo saacadaha soo socda ee Maanta dhaceysa ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal iyo xubno kale oo ay Guddiga doorashada u diiwaan-geliyeen qaab korjoogteyn ah.