Muran badan oo ka dhashay khudbadii xalay ee Ra’iisul Wasaare Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in mar walba ay soo gaarto cabasho la xiriirta Arrimaha doorashooyinka, taas oo uga timaada Musharrixiinta iyo Xubno kamid ah Wakiilada Beesha caalamka.

Rooble ayaa hoos u dhigay oo aan wax aan weyneyn kasoo qaaday muranka hareeyey doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo boob xooggan lagu sameeyey kuraas badan.

Wuxuu sicad u sheegay in doorasho kasta ay leedahay cabasho sax iyo been midkii ay doonto ha aahaatee, balse ka Xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin inay xaliyaan cabashada ha ahaadaan kuwa ka imaanaya musharrixiinta iyo cid kasta oo tabasho qabta.

“Sida aad la socotaan waxa dalka ka socda doorashooyinkii, waxana afartii kursi ee ugu dambeysay ay maanta soo baxeen. Doorashadaas cabashooyin kooban ayaa laga keenay, waxana aad diyaar u ahay in aan xoogga saaro sidii loo raaci lahaa hab raacyada degsan ee doorashooyinka iyo inaan sidoo kale la fariisanno cid kasta oo tabasho qabta,” ayuu yiri Rooble.

Hadalka Rooble ayaa ah mid aad uga fog xaaladda doorashada Soomaaliya oo weli aysan jirin kuraas si xor ah loogu tartamay, ayada oo kursi kasta lagu doortay rabitaanka madax goboleedyada ama loo xiray shaqsiyaad gaar ah.

Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay Sanad guuradii Saddexaad ee kasoo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed taas oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo.