Murashax madaxweyne oo ay diyaarad la dhacday oo soo diray farriin yaab leh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Siyaasi u taagan doorashada xilka madaxweynaha ee dalka Panama ayaa baraha bulshada soo dhigay farriin uu si layaab leh usoo gudbiyay oo uu ku codsanayo in loo gurmado kaddib markii ay diyaarad uu saarnaa ku dhacday keymaha dalkaas.

Dimitri Flores, oo ah murashax madax bannaan ayaa u taagan doorashada loogu tartamayo kursiga ugu sarreeya waddankiisa ee la filayo in ay dhacdo sanadka 2024-ka.

Bogga uu ku leeyahay baraha bulshada ayuu soo dhigay muuqaal uu kasoo duubay goobta ay diyaaraddu kula burburtay oo ku taalla dhulka buuralayda ah ee galbeedka Panama.

Diyaaradda oo nooceedu yahay kuwa qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno “helicoter” ayaa la soo tebiyay in ay la socdeen lix ruux, oo uu ka mid yahay Mr Flores.

Murashaxa Madaxweyne ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen shilkaas.

“Diyaaraddii helicopter-ka ahayd way burburtay,” ayuu yiri siyaasigan oo hadalkiisa laga dareemayay in uu aad u xanuunsanayay. “Ilaah baa mahad leh, waan nool nahay.”

“Isku daya inaad gurmad ii soo dirtaan,” ayuu yiri Mr Flores. “Halkan waxaa ku sugan dad ka jabay lugaha, gacmaha, waaw.”

Inta uu muuqaalka duubayay ayuu ku wareegay goobta uu shilka diyaaradeed ka dhacay, waxaana la arkayay qaybo ka mid ah diyaaradda burburtay.

Mr Flores waxa uu sharraxay in uu shilku ka dhacay “meel 4,500ft [1,400m] ka sarraysa dhulka oo buuraha dhexdooda ah.

Ma uusan faahfaahin xogta ku saabsan waxa sababay burburka diyaaradda.

Mas’uuliyiinta Waaxda Duulista Hawada ee Panama ayaa boggooda Twitter-ka kusoo qoray in la ogaaday goobta ay diyaaraddu ku dhacday islamarkiina loo diray koox gurmad ah oo soo badbaadisa dadka.

BBC