Musharax Khayre iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo kulmay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiyada doorasjada sidii ay uga shaqeyn lahaayeen doorasho madax bannaan, hufan oo loo maro hannaan daah furan oo cadaalad iyo dhex dhexaadnimo ku dhisan, waxaana Guddiga doorashada balanqaadeen inay dalka ka qaban doonaan doorasho cadaalad ah oo o madax bannaan eex iyo qof jecleysi.

Waa kulankii u horreeyay oo dhex mara Musharax Madaxweyne iyo Guddiga doorashada heer Federaal ee hoggaankooda dib loo doortay, taasoo ah bilow wanaagsan oo madax bannaanimo leh, kaddib wixii ka dambeeyay tan iyo markii lakala shaandheeyay Guddigii doorashada lagu muransanaa.