Musharax Madaxweyne oo iscasilay ka hor inta uusan isdiiwaan gelin

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiikii hore ee arrimaha dibadda Somalia, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka loogu jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa ol’olaha doorashada ayuu ku sheegay in ololahiisa uusan haysan wixii u suurto galin lahaa inuu guulaysto, sidaas darteedna uu go’aansaday inuu si rasmi ah inuu uga tanaasulo doorashada.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa sheegay in sababta uu tartanka uga haray ay qeyb ka tahay qaadashada lacagaha ololaha doorashada ee ka hor imaanaya sida uu sheegay maslaxadda dowladnimada Soomaaliya.

“Aqbalaadda lacagaha ololaha ee ka hor imaanaya danta mustaqbalka fog ee shacabka Soomaaliyeed waxay khiyaamaysaa wax walba oo aan u hayo, balse, waxaa ka sii muhiimsan, hooyooyinka, aabbayaasha, iyo dhallinyarada sida dhiirigelinta leh ee iigu garab istaagay ololihii aan ku jiray,” ayuu Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu sheegay in ololihiisa uu ku qotomay sidii uu si toos ah ula hadli lahaa shacabka Soomaaliyeed balse qaabka dadban ee doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya uu yahay mid liddi ku ah hamigiisii ololaha doorashada.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa ka mid ahaa musharixiinta u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya 2017-ka, wuxuuna HOL u sheegay in uu sii wadi doono in uu u tartamo xilka ugu sarreeya ee Soomaaliya, maadaama uu aaminsan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay mudan yihiin dowlad wanaag.

Maxamed Cabdirisaaq  ayaa markii ugu dambeysay soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya intii u dhaxeysay November 2020 ilaa November 2021