Musharax Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay wakiilada Beesha Caalamka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), oo ka mid ah musharixiinta ugu cad cad xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ayaa maanta la kulmay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan kaas oo ay ka wada hadleen doorashooyinka dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargalinta Doorashooyinka iyo sida ay muhiimka u tahay in dhammaan siyaasiinta Soomaalidu u taageeraan dhammeystirka hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey oo tixgalinaya khibradda dhismaha Dowladnimada Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka haddana u taagan xilka gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhageystay talooyinkiisa la xiriira sidii Baarlamaanka Soomaaliya kaalin muuqata uga qaadan lahaa in dalka laga gudbiyo firaaqa ku yimid hay’addihii dastuuriga ahaa.

Musharax Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Maxamed Nuur ayaa QM gaar ahaan Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya mudane Swan uga mahadceliyay taageerada dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bini’aadannimada iyo horumarinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay siiyo Soomaaliya.

Sidoo kale dhowaan safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa la kulantay Sheekh Aadan Madoobe gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo hadana u sharaxan xilka hoggaaminta Golaha Shacabka waxeyna u muujisay rajada wanaagsan ee Dowladda UK ka qabto in Soomaaliya si deg deg ah ay ku hesho nidaam cusub.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa reer Galbeedku u arkaan siyaasi xasiloon oo muhiim u ah dowladnimo ku dhisan dimuqraadiyad, is ogolka iyo isu tanaasul.